Shirkan ayaa ahaa kii ugu weynaa abid ee Jaaliyada Sanaag ay abid isugu timaado, waxaana kasoo qaybgalay Ururuada bulshada, ururka haweenka ee Al-nasar, Waxgarad, Aqoonyahano, Oday-dhaqameedyo, Dhalinyaro & dhamaan qaybaha Bulshada ee kasoo jeeda Degaanka Sanaag & wafuud ka socda beesha oo ayagu degaan ahaan kasoo jeeda Jubooyinka.
Ugu Horayntii waxaa ayaado Quraan ah & Ducoba ku furay shirka Shiikh Aadan Xaaji Cabdi kadibna waxaa microfoonka lagu wareejiyay Maxamed Cabdi Saalax oo isagu halkaas ka akhriyay Taariikh Nololeedkii Murashax C/laahi Axmed jaamac (Ilko-Jiir) kadib makrafoonkii loo dhiibay Ciise dheere oo isagu ka mid ah waxgaradka degaanka waxuuna si mug leh uga waramay in loo baahan yahay in loosoo jeesto horumarka Dalka & dadkaba.
Gen. Ilkajiir oo Khudbad Qiima leh ka jeediyey Shirka
Khadra Doonyo Liqe oo ayadu ka socotay Ururka Al-Nasar ayaa lagu soo dhaweeyay waxaanay hadal kooban oo ay halkaasay kaga warantay doorka Ururka Al-nasar & tilaabooyin ka uu ka qadaay dhinaca Waxbarashada & Caafimaadka waxaanay Balan ka qaday ayadoo ku hadlaysa magaceeda & Kan Ururka Al-Nasar in Ururku Hiil & Hooba isla garab taagayaan Murashaxa General C/laahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) oo isagu isu soo taagay sidu u samatabixin lahaa dalka & Dadkaba. haween badan ayaa iyaguna halkaas Buraan-Bur isugu jira Taageero & Duco ka mariyay waxaana ka mid ahaa Faadimo Cashuur & Faadimo Maxamed Xirsi oo ayadu mar walba looga bartay Buraan-burkeeda, waxaana intii haweenku marinayeen Buraan-burkaas dhex socday Sacab ay tumayeen dadkii goobtaas shirka fadhiyay, Aabaha fanka Soomaaliyeed Fanaanka Weyn EE Al-Ustaad Maxamed Ismaaciil Xudaydii ayaa halkaas ka
jeediyay murti kooban waxaa isna halkaas gabay kooban ka jeediyay Abwaanka da,ada yar ee Tigana.
Jaaliyadihii halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ugu horayntii Jaaliyada Wadanka Sweden oo shirka usoo dirsatay wafdi uu horkacayay Mr Dirir, waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Jaaliyada Liverpool waxaana u hadlay Ibraahim X Xuseyn karsey, jaaliyada Cardiff-Xasan Xaaji Findhe & Jaaliyada Birmingham - Ibraahim Maxamed Guuleed, waxayna dhamaantood soo gudbiyeen Hambalyo ay ka sideen goboladii ay ka yimaadeen ayagoo hambalyadaas & taageeroba u gudbiyay Murashaxa General C/laahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir). Waxa isna ka hadlay Halyeeyga Abshi Muuse Cashuur oo isagu ka mid ahaa wefdigii weheliyay Generalka waxuuna Abshir ka jeediyay madashii shirka warbixin ka hadlaysay dhinacyo badan waxaana halkaas uga dhacay sacab.
Murashaxa jagada Puntland C/laahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir)ayaa lagu soo dhaweeyay microfonka waxaana khudbad uu halkaas ka jeediyay kaga waramay dhinacyo badan intii uu khudbada ku dhex-jiray waxa mar walba waxa la tumayay sacab waxaana inta badan dadka ka muuqatay farxad ayagoo marar badan isla sare taagay sacabka ayagoo gacmaha iswada haysta. halkan laguma soo wada koobi karo wax yaabahii ka dhacay goobtaas.
Balse waxaan jecelahay inaad sawiradan nala daawataan ay inoo soo diyaariyeen Daahir Faarax M Jaamac Cawl iyo Siciid Maxamud Xawar
LaasqorayNet+SanaagPost.com
|