Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

WARBIXIN- BOOQASHADII JANANKA EE BURAAN

Booqashadii iyo kulankii Buraan oo faahfaahsan

Buraan:- Shir balaaran ayaa waxa uu dhex marey Bulshada Reer Buraan iyo wefdigii uu horkacayey General Cabdulahi Axmed Jaamac Ilka Jiir iyadoo shirkaasi ay ka hadleen dhamaan wax garadka reer Buraan iyo wefdigii oo la isku dhaafsadey warbixino qiimo badan.

Guud ahaan Reer Buraan ayaa soo bandhigey isu soo bax balaaran isla markaana Generalka iyo wefdiga si wacan usoo dhoweeyey.

Sidoo kale ciidamada Degmada Buraan ayaa iyaguna Salaan siiyey wefdiga isla markaana muujiyey heeganka ay u yihiin sugida amaanka.


Ciidamadii Degmada Buraan oo soo horgalay Waftigii  Jen Ilko Jiir

Waftigan ayaa ku soo galay magaalada Socod dheer oo ay ka soo bilaabeen dibada magaalada ilaa ay ku gaarayeen hoygii loogu tala galaya in ay degaan waxaana socodkaas ku weheliyey dhamaan shacabka magaalada iyo weliba ciidamada Degmada.
 

Ciidamadii Degmada Buraan oo salaan sharaf ka qaadanaya Jen Ilko jiir

Waftiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhamaan Ururada bulshada gaar ahaan Odayaasha degaanka iyo weliba Ciidama degmada oo uu hogaaminayo Cor Mahamed C/laahi Muuse.

Waftigii oo soo gelaya Buraan
 

Kulan baalaran ayaa saaka ka dhacay Iskuulka Hoose/sare ee Buraan kulaankaas oo ay ka hadleen dhamaan waftigii uu hogaaminayey Jen Ilko jiir iyo weliba dhamaan shacabka magaalada waxaana la isku afgartay in si buuxda loo wada shaqeeyo.

Hooyo Aamino oo soo dhaweynaysa Waftigii

Jen C/laahi ayaa mahad balaaran u celiyey shacabka magaalada wuxuuna sheegey in Reer Buraan ay yihiin muwaadiniin jecel dadkooda iyo dalkooda,wuxuuna kaloo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada iyo wada jirka bulshada ku dhaqan mandaqada.
 


Haweenkii oo caleemo qoyon ku soo dhaweynaya waftiga

Wafiga ayaa shalay soo maray Ballibusle halkaas oo ay kulamo kula yeesheen waxgaradka iyo Odayaasha degaanka.


 

Haweenkii oo caleemo qoyon ku soo dhaweynaya waftiga

Kulankii saaka ka dib ayaa waxaa bilaabmay sagootintii waftiga oo u baxayey magaalooyinka kale ee gobolka.

 

Wafitigii oo socod ku maraya badhtamaha Buraan
 

Wafitigii oo socod ku maraya badhtamaha Buraan

Jen oo la hadlaya Bulshada

Kulankii maanta ka dhacay Iskuulka Buraan

Nabadoon Hassan Awaare oo ka hadlaya kulankii maanta

Shacabkii oo sagootinaya waftigii
 

Waftigii oo ka baxay magaalada maanta


 

waftigii oo ka baxaya kulankii maanta
 

Waxaa sawirada qaaday Mahamud Warsame
iyo Mahamed Farah[Allsanaag]
Allsanaag+LaasqorayNET


Quick List...