Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

Saraakiisha Gobolka Sanaag oo ko

Saraakiisha Gobolka Sanaag oo kormeero horudhac ah ku tegey degmooyinka Hadaaftimo iyo Yubbe [DAAW SAWIRO]

Badhan:- Ciidamada Daraawiishta ee Puntland ee gobolka Sanaag ee  weliba ku sugan magaalada Badhan ayaa diyaar garow ugu jira soo dhowaynta General C/Laahi Axmed Jaamac{ilkajir}, Ciidamadas oo uu ukhudbadayey Col. Caydiid Axmed Nuur iyo Col. Axmed Jeni Taag iyagoo ku sugan taliskooda ay ku leeyihiin magaalada Badhan.

Ciidamada ayaa waxay maalmihii lasoo dhaafey ka wadeen hawlo nabad sugineed iyagoo ku gaaf wareegayey magaalada iyo inta u dhow dhow.
 

Sidaa awgeed ayaa waxaa ka baxay magaalada Badhan cutub ka mida ah ciidamada Daraawiishta Puntland oo kormeer ku soo maray degaanada Hadaaftimo iyo Yubbe oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

 

Ciidamadaas oo ay hogaminayaan labada Cornayl ayaa waxaa ku weheliyey kormeerkooda bahda saxafada Gobolka Sanaag oo warbixin ka soo diyaarinayey hawlgalka ay wadeen ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag.

Labada Cornayl oo waraysi siyeey bahda saxafada Gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ciidamadu socdaalo ay ku mareen jiidaha hore ee Gobolka Sanaag Labada Cornayl ayaa sheegay in ay magaalooyin badan ay soo kormereen.

Waxaa intaa dheer in safarkoodii ku aadanaa magaalooyinka Hadaaftimon iyo Yubbe laga soo diiwaan galiyey ciidamo cusub oo horleh oo loo diyaarinayo iney ku biiraan ciidamada Generalka.

Cornaylada oo La shiray Odayaasha ku sugan dhamaan degmooyinkaas iyo tulooyinka iyagoo kala shirey sidii loogu soo dhoweyn lahaa Generalka Cabdulahi Axmed Jaamac [Ilko Jiir] isla markaana la isku raacay in heegan loo galo soo dhoweynta.

Sidaa awgeed waxaa degmooyinkaas laga magcaabey Gudiyo soo dhoweeya wefdiga iyo gudiyo qaban qaaboba.

Mukhtaar Maakhir
Ismaaciil Yusuf
Bahda Saxaafada Sanaag


Quick List...