Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

WARBIXIN- CEELBUH OO SI DIIRAN U

WARBIXIN- CEELBUH OO SI DIIRAN USOO DHOWEYSEY GENERALKA IYO WEFDIGIISII [DAAWO SAWIRO]

Ceelbuh:- Dadwayne aad u farabadan ayaa soo dhoweeyey musharaxa Generalk Cabdulahi Axmed Jaamac [Ilka Jiir] iyadoo soo dhowaynta ay ka soo bilaabatay ilaa 10 km dhinaca bari ka xigta ee magaalada Ceelbuh iyadoo bulshada reer Ceelbuh ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha iyo booqashada wefdigan culus. 

Sidaanu kor kusoo xusney waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran oo uu horkacayeen Gudiga Magaalada Ceelbuh iyo waliba waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo waliba dhamaan dadwayanaha degmada Ceelbuh.
 

Gudida Soo dhoweynta iyo qaban qaabada

Dadweynaha soo dhoweeyey wefdigan ayaa ruxayey caleemo qoyan iyo waliba halku dhigyo, sawiro iyo waliba borar muujinaya xamaasada degmada Ceelbuh.

Maxamuud Faarax Bile oo gacan qaadaya Generalka iyo wefdigiisa
 

Waxaa sidoo kale magaalada soo gaarey wefdi Ganacsi oo ah Reer Boosaaso isla markanaan ka qeyb qaatey soo dhoweynta Generalka iyo wefidgiisa waxaana wefdiga ganacsatada hogaaminayey Maxamuud Faarax Bile.
 
Xubno ka mid ah Gudida Ganacsatada ee Boosaaso
 

Magaalada Ceelbuh ayaa maanta u ekeyd mid aad moodid iney ka jirto maalin ciideed iyadoo aad arkeysid faraxad aad u badan oo ay dadku hayaan isla markaan ay dadweynuhu isugu tahniyadaynayeen soo dhoweynta Generalka iyo Wefdigiisa.
 
Qaar ka mid soo dhoweeyaashii
 

Dhalinta Reer Ceelbuh ayaa waxay ka cayaartey door weyn iyagoo keeney astaanta Nabada ee Shinbirta Qooleyda oo iyagoo ka cabirayey Nabad waarta Ku soo dhowow Nabad Sidow.
 
Qaar kale oo ka mid ah dadkii Soo dhoweeyey Wefdiga

Magaalada ayaa sidoo kale waxaa xirnaa goobaha Ganacsiga iyo suuqyada laga adeegto iyadoo dhamaantood ay isu taageen soo dhoweynta wefdiga.
 
Hidaha iyo dhaqanka oo lasoo bandhigey

Generalka ayaa kulan la yeeshey ciidamada Degmada Ceelbuh oo hawl galo dhuxul joojin ah ka sameeyey inta ku dhow dhow Degmada Ceelbuh.

Wefdiga ayaa uga mahad celiyey Reer Ceelbuh sida ay usoo dhoweeyeen Isla markaana tahniyad u direy dhamaan Reer Ceelbuh.

Daawo Sawiro kale

Generalka iyo wefdiga oo si diiran loo soo dhoweynayo
Dhalinta Ceelbuh oo gudoonsiisey astaanta Nabada
Shacabkii oo gelbinaya Generalka
Waa markale iyo Dadweynihii oo soo dhoweynaya Wefdiga
Ciidanka oo amaanka Sugaya
Ururada Ardeyda oo ka qeyb qaatey Soo dhoweynta Generalka
 
 
Generalka oo daawanaya soo dhoweeyayaashiisa


Sawiradii Jaamac iyo Maxamed
Erayadii Ismaaciil iyo Mukhtaar
Bahda Saxaafada Sanaag

Quick List...
















HOME     ABOUT US     CAMPAIGN
 
    HOME     ABOUT US     CAMPAIGN      BLOG     REGIONS      CONTACT US
    © 2008 puntlandfuture.com
    Webmaster@puntlandfuture.com
Allrights reserved.
.