Buraan:- Wafti balaadhan oo
uu hogaaminayay Gen- C/laahi Axmed Jaamac ilka Jiir ayaa saaka
aroortii ka boqoolay magaalada Dhahar kuwaaasi oo u jeensday dhanka
magaalada Buraan iyo Bali-Busle waftigaasi ayaa waxay kulan la
qaateen ugu horayn Waxgaradka deegaanka Balis-Busle.
Generalka iyo wefdiga ayaa waxay Balisbusle kala kulmeen Soo dhoweyn
aad wacan iyadoo wadad dheeg ee magaalada soo gasha ay taxanaayeen
dadweyna ruxaya calankii Jamhuuriyada.
Sidoo kale Degmada Buraan ayaa iyaduna waxay dhigtey wacdare cajiib ah
iyadoo ay dadweynaha Reer Buraan isugu soo bexeen isla markaana
Mushxarada ay cirka isku shareertey.
Haweenkii Buraan oo Ruxaya
Caleemo Qoyan
Shacabka Magaalada Buraan ayaa isasoo dhoobay wadooyinka waa wayn ee
magaalada kuwaasi oo sitay Caleemo qoyan shacabkaasi ayaa waxay ku
dhawaaqayeen irayo soo dhawayn ah kuwaasi oo ay ka mid ahaan Soo
dhawaada Jaalayaal.
Waftigii oo Buuraan soo gaadhay Maanta
Magaalada Buraan ayaa noqonaysa magaaladii labaad ee ay waftigaasi soo
gaadhayaan iyada oo la filayo in maalinta bari ah kulan la qaataan
Guurtida magaalada Buraan, waxa xusid mudan in waftigaasi loo
galbiyay Guryo loo qoondeeyay.