Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

puntlandfuture.com

Wafdigii Gen- C/laahi Ilka Jiir oo shir ku qabtay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag....

Dhahar:-Saaka waabarigii ayaa kulan balaadhan waxa wada qaatay Gen C/laahi Axmed Ilka jiir iyo Odayaasha magaalada Dhahar ee G/ Sanaag kulankaasi oo mid alabaabadu u xidhan yihiin, walaw ay jiraan warar hoose oo soo gaadhay warbaahinta Sanaag kuwaasi oo sheegaya in Kulankaasi looga hadlay xoojinta Amaanka Gobolka iyo taageerida Musharaxa. Kulankii markii dhamaaday ayaa waxaa wareysiyo loo ogalaaday saxaafadaha caalamiga sida Irin iyo Universal TV oo goobtaasi joogay.

Waftigaasi ayaa waxa ay kulan la qaateen odayaasha iyaga oo u sheegay in laga shaqeeyo nabada Gobolka Sanaag isla markaana la mideeyo beesha deegaanka.

Dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada magaalada Dhahar inay taageero xoogan u fidiyeen Gen-ka isla markaana la shaqeeyaan.

Bidix  Caaqil Cabdi Faarax Cilmi/ dhexe. Axmed Ismaaciil Suldaan

 Gen-ka ayaa ugu hanbaleeyay dhamaan shacabka magaalada Dhahar sida wacan oo ay u soo dhaweyeen waxa uu sheegay inay lagama maar maan tahay midnimada iyo wada shaqayntu, waxa uu ku cel celiyay in si xoogan looga shaqeeyo Amaanka, isaga oo dhaworjeer u hanbalyeeyay ciidanka la dagaalanka Xaalufka oo uu sheegay inay difaacayaan Gobolka

     Xasan Soomaali oo ah Gudoomiyaha Jaliyada  Sanaag ee UK

                          Axmed Ismaaciil Suldaan Suldaan

Gen-kii oo Khudbad u jeedinaya ciidanka la dagaalanka Xaalufka

Ururada Bulshada ee degmada DHahar sida KEPO iyo Danad

Sidoo kale Goordhow Ka dhagayso Webka Codka iyo khudbadihii Genral Cabdulahi Jaamac Ilka jiir ee uu ka jeediyaya degmada dhahar Audio

Warbxinta:-Maxamed Axmed Ciise

Sawir Qaade Jaamac  Ayaanle  Feyte

Dhahar.com

Waraabihinta Sanaag


Quick List...
















HOME     ABOUT US     CAMPAIGN
 
    HOME     ABOUT US     CAMPAIGN      BLOG     REGIONS      CONTACT US
    © 2008 puntlandfuture.com
    Webmaster@puntlandfuture.com
Allrights reserved.
.