Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

puntlandfuture.com

WARBIXIN DHERAAD AH, MAGAALADA MINDIGALE IYO SOO DHOWEYNTII[SAWIRO DHEERAAD AH]


MINDIGALE:- War bixin dheeraad ah oo ku saabsan soo dhowayntii wafdiga uu hogaaminayo general C/laahi Axmed Jaamac (ilkajiir) ee magaalada Mindigale, Waxay ahayd maalin aad layaab badan u leh, abaabulka iyo soo dhowaynta shacabka reer mindigale siday u soobexeen.

Sidaanu kor kusoo xusney waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran oo ay horkacayeen Ururadda Bulshada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo waliba Gudiga MagaaladaMindigale iyo waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo waliba dhamaan dadwayanaha Magaalada Mindigale.

Dad waynaha soo dhowaynayey wafdiga balaadhan uu hogaaminayo General:C/laahi Axmed Jaamac ayaa ka hor in tuusan magaalada soo gaarin shacabku sameeyeen damaashaad waxayna soo ban dhigeen ciyaaro iyo heeso wadani ah taas oo aad looga dareemayo shucuurta dadwaynaha ku dhaqan magaalada mindigale.

Dadwaynhii isugu soo baxay banaanka magaalada ayaa waxa ka dhex muuqnayey ururada bulshada uu hogaaminayo ururka dhalinyarda Sanag Student Development organization (SSDO).

Ururka dhalinyarada ayaa sitay boodhadh uu ku sawiran yahay General C/laahi Axmed Jaamac iyo astaamaha u gaar ka ah ururka oo aad ku arkaysid dadwaynaha dhexdiisa.

Waxayna ahayd maalin taariikh u leh dawaynaha ku dhaqan magaalada mindigale.

Isku soo baxa waxaa dheeraa kulan aad u balaaran oo ay yeesheen dadwaynihii iyo wafdigu halkaasoo uu Gan-ku oo khudbad taariikhi ah u soo jeediyey dadwaynihii iskugu soo qaybgalay kulankaas,

Khudbada oo dhinacyo badan taa banaysay oo Xanbarsanayd talooyin, tusaalooyin, waxsheegis, in taba wuu usoo jeediyey shacabkii kasoo qayb galay kulanki ka dhacay Magaalada Mindigale.

Daawo Sawiro Kale

Iyana Kama maqnaMeshaqada Sharaftii ay Bulshada Magaalada Mindigale uSameeyeenWafdiga General: C/Laahi Axmed Jaamac

{ilko jiir}

Mid kamid ah qaban qaabiyayashaSodhoweynta Wafdiga u Hogaminayo General C/Laahi Axmed Jaamac {ilko Jiir} oo anu kula kulanay Xafiskisa magaalada Mindigale Maxamed Cali Jafal

Sawiradi Axmed C/Laahi Ciise

Warbixinti & Hagaajintii Sawirada

Ismaaciil Yuusuf Ciise {Shidemadaare}

Email: Shidemadaare@hotmail.com

OR Ismailyusuf08@gmail.com

Sanaagpost.com+Dhaharonline+Laasqoray.net/Mindigale Puntland Soomaaliya

 

 

Quick List...
















HOME     ABOUT US     CAMPAIGN
 
    HOME     ABOUT US     CAMPAIGN      BLOG     REGIONS      CONTACT US
    © 2008 puntlandfuture.com
    Webmaster@puntlandfuture.com
Allrights reserved.
.