Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

puntlandfuture.com

Mindigale oo si xallad leh loogu soo dhoweeyey Gen. Ilkajiir iyo wefdigiisa

Shalay oo ay taarikhdu ahay 23/08/2008 ayaa wafdiga uu hogaaminay General C/laahi Axmed Jaamac (ilko-jiir) oo ka kooban kolanyo gaadiid ah oo siday wefdigaas balaadhan waxay safar ku tageen magaalada Mindigale ayagoo gaadhay duhurnimadii, Si aad u qurux badana ayaa looga soo dhaweeyey magaalada Mindigale ayadoo ay isqabsatay Musshxarad iyo Sacab waxay dadka mindigale ku dhawaaqayeen (guusha yaaleh jenenkeena baa leh) dadweynahii magaalada Mindigale ayaa isa safay Jidadka waaweyn ee magaalada, ayadoo ay ka koobnaayeen dhaamaan Ururada Bulshada oo ay ugu horayey Ururka Hooyooyinka Al-nasar.

Wafdiga ayaa loo galbiyay rugtii loogu talagalay waxaana halkaas loo diyaariyey wafidagQado-sharaf si weyn ay usoo agaasimeen Ururka Hooyooyinka Al-Nasar iyo odayaash magaalada Mindigale.

Galabnimodii Xaflad sii heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa loo qabtay wefdiga Murashaxa Madaxtinimada Puntland General C/laahi Axmed Jaamac (ilko-Jiir) xafladaas waxa ka soo qayb galay dad aaad u fara badan oo ka koobnaa Nabadoono, Cuqaal, Waxagarad, Aqoonyahano, Macalimiin, Arday Ururo ay ka mid yahiin Dhalinyarada & Haweenka & dhamaan Bulshawaynta Reer Mindigale.

Xaflda ayaa ugu horayntii lagu furay Aayadaha Qur,aanka Kariimka ah, kadibna waxaa lagu soo dhaweeyay Cali Maxamed Xirsi oo weheliyay wafdiga kana tirsan degaanka Mindigale waxaa uu dadawaynaha u sheegay inay wafdigu u socdaan Minimo & Horumar dadka & Dalkaba , Cali Maxamed Xirsi ayaa yidhi shacabka reer mindigale waxay diyaar kuula yihiin waxad rabtid .

Maxamuud Maxamed Ducaale (finiin) oo ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Mindigale ayaa halkaas hadal kooban ka jeediyay waxuuna warbixin kooban ka bixiyay Golaha Degaanka & waxa qabadkiisa waxuu kaloo sheegay in Goluhu uu hoos joogo General C/laahi Axmed Jaamac.

C/laahi Maxamuud Faarax oo ka mid ah Waxagaradka magaalada Mindigale ayaa lagu soo dhaweeyay madasha shirka waxuuna si mug leh uga waramay Taariikhdii General C/laahi Axmed Jaamac (ilko-jiir) wuxuuna sheegay inu Jananku awood u leeyahay inu dalka & dadkaba isu keeno horumarna gaarsiiyo

Xaawo C/laahi Warsame oo ka mid ah Ururka Hooyooyinka Al-nasar ayaa madasha lagu soo dhaweeyay waxayna ku bilowday Buraanbur & Duco. Waxa sidoo kale nasiib u yeelatay inay goobta ka hadasho Maryan Yuusuf Cali Ciid waxayna goobtii ka marisay buraanbur aad loogu diirsada waxayna kaga warantay Buraanburkaas waxqabadkii jeneralka waqtigii uu joogay Gobolka.

Wafdiga ayaa ugu horayntii lagu soo dhaweeyay Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo umahad ceshay bulshada ku dhaqan Mindigale sidaay u soo dhawaysay wafidaga waxana uu warbixin kooban ka bixiyey himilooyinkooda ay rabaan inay gobolka gaarsiiyaan Xag Horumareed & xag Dhaqaale.

General C/laahi Axmed Jaamac (ilko jiir) ayaa lagu soo dhaweeyay inuu khudbad ka jeediyo waxaana markiiba is qabsaday sacab & mushxarad Murashaxu waxuu ku bilaabay hadalkiisii Ayaadaha Qur,aanka Kariimka ah hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyayna waxuu u mahadnaqay Bulshada ku dhaqan Magaalada Mindigale sidii sharafta lahayd ee ay usoo dhawaysay wafdigan waxana uuga waramay safarkiisa isaga & wefdiga la socotay waxuuna kulankii ku dhamaaday jawi is afgarad oo wacan.

Dhalinta Magaalada Mindigale oo Ge-ka Gidonsisay Kitabka Quranka Karimka ah

Sheikh Cali Sinjibil oo khudbada qaybinayeey

Wax Kamida Jaliyadda australia {Cali Maxamed Xirsi}

Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka ee DFS

Xubin ka mid ah Wafdiga Generalka {Cabdiqadir Biridh}

Godomiyaha Magaalada Mindigale {Maxamuud Maxamed Ducaale}

Midka Mida Gurtida Magaalada Mindigale{C/Laahi Maxamed Faarax}

Mid ka mida ahHaweenka Wafdiga Sahro Jaamac Cali {Qorshel}

Xubin ka mid ah Ururka AL NASAR Xaawo C/Laahi Warsame oo Buran Burtay

Mid ka mid ah Abwanada Magaalada Mindigale oo Gabyeey

Gen C/Laahi Axmed Jaamac oo Khudbad Taariikhi ah uu jediyeey Bulshada Mindigale.

Gen Ilko-jiir & Col Indho-Yare

Bidix: Col Indho-yare,Abaanddule goraya Cawl, Gen Ilko-Jiir & C/casiis M Cabdi Aar

Waxa soo diyaariyay

C/risaaq Cali Belbel

Midigale-Sanaag-Puntland


C/RISAAQ CALI BELBEL MR.CCM-BALBAL@HOTMAIL.COM

Bahda Saxaafadda Sanaag

Quick List...
















HOME     ABOUT US     CAMPAIGN
 
    HOME     ABOUT US     CAMPAIGN      BLOG     REGIONS      CONTACT US
    © 2008 puntlandfuture.com
    Webmaster@puntlandfuture.com
Allrights reserved.
.