Laako:- Magaalooyinka
Laako iyo Rad ee Gobolka Sanaag ayaa waxay maanta dhigeen Wacdaro aan horay
loo arag iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay waftigii Gen- C/laahi
Axmed Jaamac Ilka Jiir, boqolaal Ruux ayaa isasa soo taagay wadooyinka
magaaladaasi kuwaasi oo sitay Calamo iyo Boodhadh.
Waftigii uu hormuudka u ahaa Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ayaa
maanta gaadhay magaalooyinka Laako iyo Raad ee dhinac Bari ka xiga magaalada
Badhan, waftigaasi ayaa waxa ka mid ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan
Gobolka Sanaag iyo Koox wariyaal Reer Sanaag ah.
 |
| Islaanka oo Magaalada Laako
ku soo dhawaynaya Waftigaasi |
 |
|
Islaanka oo Gacan qaadaya Gen-ka Ilka Jiir iyo wefdigii |
 |
|
Waftigii iyo Cuqaasha Magaalada Laako oo wada Taagan |
 |
|
Waftigii oo Daawanaya Qaabka loo wado soo dhawaynta |
 |
|
Haweenkii Magaalada oo Ciyaar soo dhawayn ah wada |
 |
|
Waftigii oo ku sugan Magaalada Laako |
 |
| Islaan Xuseen Xaaji
Cabdi |
Islaan Xuseen Xaaji Cabdi oo ah Islaanka Beesha Deegaanka ayaa ugu horayn
halkaasi hadal ka soo jeediyay waxana uu sheegay inuu Gacamo furan ku soo
dhawaynayo waftigaasi, Islaanka ayaa sidoo kale u Mahad celiyya dhamaan
dadkii Hawshaasi isku soo duba riday soo dhawaynta.
 |
|
Cali Maxamed Xirsi oo ka mid ah Jaliyada dibada |
Cali Maxamed Xirsi oo ka mid ah Jaliyada dibada ee Reer Sanaag isla markaana
Gen-ka ka soo raacay dalka dibadiisa ayaa Mikrifoonka lagu soo dhaweeyay
waxana uu ugu horayn Mahad balaadhan u jeediyay Bulshada Magaalada
Laako oo uu sheegay inay sameeyeen Dadaal dheer oo ah soo dhawayn,
Masuulkaasi ayaa sidoo kale Cara baabay in Gen-ku uu Mandaqada
Sanaag ku yimi Talo midaysan oo ay Gaadheen Qurba Joogta Deegaanka kuwaasi
oo ka dalbaday Gen-ka inuu Bulshada Reer Sanaag Badbaadiyo oo uu Dalkii wax
ka qabto isaga oo sheegay inuu Gen-ku arinkaasi baaqa ah ka ogolaaday.
 |
| Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ka mid ah
Golaha Baarlamaanka ee DFS |
Xildhibaan Siciid
Xasan Shire oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Somaliya ayaa
halkaasi hada dheer waxana uu sheegay inuu aad ugu riyaaqay soo
dhawaynta ay sameeyeen Bulshada Magaalooyinka Laako iyo Rad, Xildhibaanka
ayaa dhanka kale xusay in Bulshada reer Sanaag meel kasatoo ay joogaan laga
rabo inay midoobaan, oo la shaqeeyaan Gen-ka
Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Siyaasiyiinta Reer Sanaag
ee ku jira Dawlada Somaliya ay taageersan yihiin Qorshayaasha Gen-ka
 |
|
Gan-ka oo Khudbad Jeedinaya |
Gen-ka ayaa aad
ugu mahad celiyay dhamaan Bulshada magaalada Laako waxana uu sheegay inay
dadkaasi wajiyadooda ka muuqato Midnimo, Generaalka ayaa sidoo kale ku
cel celiyay in laga shaqeeyo Nabada lana xaq dhowro Maamulada Darsika ah
sida Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo uu ku tilmaamay in lagula noolaado
Daris wanaag.
 |
|
Islaanka iyo Gen-ka oo wada Fadhiya |
 |
| Qado Sharaftii ay soo
Agaasimeen Bulshada Magaalada Laako |
 |
| Waftigii oo Gacanta ku
Haya Qadadii |
 |
| Ciidanka Deegaanka Laako oo Salaan Sharaf Siinaya
wufuuda |
 |
| Gen-kii iyo Waftigiisii oo ku sii jeeda Goobta
soo dhawaynta |
 |
| Qaar ka mid ah Xubnihii la Socday Waftigaasi |
 |
Xaaji Ismaaciil/Dhexda/
Coll/ Goraya Cawl Bidixjaamac Feyte |
Sawirada
Waxa qaaday Jaamac Feyte
Warbixntana waxa
soo Koobay Ismaaciil Shidamadaare