Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

puntlandfuture.com

SIDEE YUBBE LOOGA SOO DHOWEEYAY WAFTIGII GEN- C/LAAHI AXMED JAAMAC ILKA JIIR [ DAAWO SAWIRO]

Yubbe:- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gen- C/laahi Axmed Ilka Jiir ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag, waxana dhamaan ay dadku tumnaayeen wadooyinka Magaalada Yubbe, sida ururada bulshada iyo ciidamada deganka, dadku waxaay waten Caleemo qoyan iyo sawiradda General sido kale iyana waxaa an mesha aan ka maqneyn oo ay dad ku ruxayeen calanka Soomaaliya, Sido kale iyana waxaa mesha ka maqnayn Guurtida magaalada Yubbe oo balan qaday inay lashaqayn donaan Generalka.

Gen-ka ayaa dhamaan mahad gaar ah u celiyay shacabka magaalada Yubbe waaxana uu sheegay in meel kasta oo ay tegaan saasi si la mid ah loo soo dhaweeyay Gen-ka ayaa la dar daarmay shacabka magaalada Yubbe waxana uu u sheegay inay ka shaqeeyaan Amaanka.

Gen-ka iyo Suldaanka Beesha Deegaanka

Suldaan Siciid ayaa magaalada Yubbe kaga hor yimi waftogaasi isaga oo kulan la qaatay waxana kulankaasi Suldaanka Iyo Gen-ka dhex maray uu inta badan ahaa mid lagaga hadlayay Midaynta dadka Gobolka Degan, Suldaanka ayaa sheegay in haatan Gobolka Sanaag uu yahay Amaan isla markaana loo baahany in Gen-ku saxo wixii Khaldan.

Xassan Soomaali iyo Wariye Maxamed Axmed Ciise

Xassan Somali oo ah Gudoomiyaha Jaliyada Uk ee ee Reer Sanaag ayaa u mahad Celiyay dhamaan dadkii sida wayn ugu soo dhaweeyay Magaalada Yubbe waxana uu sheegay inay mahad gaar ah u jeedinayaan Maxamuud Is Del-Del oo ka mid ah dadka Deegaanka Yubbe isla markaana aad ugu soo dhaweeyay magaalada Dubai.

Nabadoon Bashiir Ducela

Nabadoon Bashiir Ducaale ayaa ka mid ahaa dadkii Gen-ka sida wayn ugu soo dhaweeyay magaalada Yubbe, Nabadoonka ayaa sheegay in ay muqadas tahay in lala shaqeeyo Gen-ka.

Bashiir Ducaale ayaa ku cel celiyay in laga shaqeeyo Amaanka Gobolka isla markaana meel looga soo wada jeensado dadka Nabada marin habaabinaya.

Duqa Degmada Yubbe Gacma Yare

Gacama Yare oo ah Duqa Degmada Yubbe ayaa halkaasi lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha ayaa sheegay inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan Waftigaasi, isaga oo ugu baaqaaqay dadka Reer Yubbe inay la shaqeeyaan Gen-ka.

Xildhibaan Siciid Xasan Shire

Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Somaliya ayaa sheegay inuu Ugu horayn u mahad celinayo dadka Reer Yubbe waxana uu sheegay inay tahay maalintii ugu farxad waynayd oo soo gaadhay magaalada Yubbe, Xildhibaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inay Muqadstahay la shaqaynta Gen-ka oo ah nin loo baahnaan inuu Dalka dib ugu soo laabto.

Xildhibaanka ayaa docda kale sheegay in Ilka Jiir ay dadka Deegaanka Sanaag ku Xasuustaan kaalintii waynayd ee uu ka qaatay Namintii Xiisadii ka Aloosnayd Sagaashamaadkii Gobolka Sanaag.

Bahda saxaafadda Sanaag


Quick List...
















HOME     ABOUT US     CAMPAIGN
 
    HOME     ABOUT US     CAMPAIGN      BLOG     REGIONS      CONTACT US
    © 2008 puntlandfuture.com
    Webmaster@puntlandfuture.com
Allrights reserved.
.