|
Sidaanu kor kusoo xusney waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u
balaaran oo uu horkacayeen Ururadda Bulshada iyo Qaybaha kala duwan ee
Bulshada iyo waliba Gudiga Magaalada Badhan iyo waxgaradka culumada
cugaasha isimada iyo waliba dhamaan dadwayanaha degmada Badhan.
Dadweynaha soo dhoweeyey wefdigan ayaa ruxayey caleemo qoyan iyo waliba
halku dhigyo, sawiro iyo waliba Hesso Wadani ah muujinaya xamaasada
Magaalada Badhan,
Waxaa sidoo kale magaalada Badhan soo gaarey wefdi Her wasiro ah oo ka
kala yimi Magaloyinka Boosaaso Gawoowe isla markanaan ka qeyb qaatey soo
dhoweynta Generalka iyo wefidgiisa waxaana wefdiga Wasirada ah
hogaaminayey Wasirka Xananada Xolaha iyo Bereha Cali Bureed.
Magaalada Badhan ayaa maanta u ekeyd mid aad moodid iney ka jirto maalin
ciideed iyadoo aad arkeysid faraxad aad u badan oo ay dadku hayaan isla
markaan ay dadweynuhu isugu tahniyadaynayeen soo dhoweynta Generalka iyo
Wefdigiisa.
Dhalinyada Sportska Magaalada Badhan ayaa waxay ka cayaartey door weyn
oo iyagoonWatay Dharka Sports ka iyo Sawirada Generalka iyo waftigiisa
kuna dhawaqayeey sodhowow .sodhowow.
Magaalada ayaa sidoo kale waxaa xirnaa goobaha Ganacsiga iyo suuqyada
laga adeegto iyadoo dhamaantood ay isu taageen Wadoyinka Waween ee
magaalada Badhan sidi ay uga qayb qadan lahayeen soo dhoweynta wefdiga.
Bahda Saxaafada Sanaag
Daawo Sawiro Kale:- |