SIDEE LOOGA SOO DHAWEEYAY GEN-IKAJIIR MAGAALOOYINKA
CARMALE IYO DAMALA-XAGARE[DAAWO SAWIRO]
Carmale:- Magaalooyinka Carmale iyo Damal - Xagare ayaa
waxa soo gaadhay wufuud balaadhan oo uu hormuud u yahay
Gen-IlkaJiir waxan halkaasi sidiiran ugu soo dhaweeyay
dadka Deegaanka oo ay ugu horeeyaan Cuqaasha, dhamaan
dadka degan magaalada Damala-Xagare ayaa isasa soo
dhoobay wadooyinka waa wayn ee magaaladaasi, dadkaasi
ayaa waxay siteen cod baahiyaal kuwaasi oo qaadayay
HEESO WADANI AH.
Safaradan ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwii uu Generalku
iyo wefidigiisu ay ku marayeen Gobolka isla markaana
Fardaha Sunaariga ee caanka ah lagu soo dhoweeyey.
Wufuudaasi ayaa waxay qoobka markii hore soo galiyeen
meelo badan oo ay ka mid yihiin Xingalool, Dhahar iyo
Ceelbuh, Buraan, waxana dhamaan goobahaasi loogu soo
dhaweeyay si diiran.
Gen-ka iyo waftigiisa ayaa meel kasta oo ay tagaan waxay
la kulmayeen waxgaradka iyaga oo ay dhamaan dadkaasi u
sheegeen inay la shaqaynayaan Gen-ka
Gen-ka oo Kusugan Carmale
Waxa jiray kulamo hoose oo ay inta badan wada qaadan
jireen Gen-ka iyo saraakiisha ciidamada soo dhaweeyay
kuwaasi oo ahaa kuwa inta badan warbaahinta daaha laga
saaray walaw, ay jiraan warar hoose oo sheegay in Gen-ku
uu ciidamaasi ukala dardaarmay inay noqdaan kuwa
midaysan oo difaaca dalkooda.
Sawirkaasi aad arkaysaan waa Kulankii dhex maray
waxgaradka magaalada Damala-Xagare iyo waftigii Gen-ka,
waxana dhanka damala-Xagare hogaaminayay Coll Cabdi
Casiis Xaaji Cilmi Dhoolay oo ka mid ah ahaa
saraakiishii sare ee dawladii dhex ee Somaliya.
Markii ay waftigaasi soo gaadheen magaalada Carmale
waxay kulan dheer la qaatay qado ka dib Odayaasha
deegaanka kuwaasi isla qaatay midaynta deegaanka iyo in
meel looga soo wada jeensado cidii Amaanka Gobolka
majaxaabinaysa.
Odayaasha ayaa ka balan qaaday Gen-ka inay la
shaqaynayaan isla markaana ay la garab ka taagan yihiin
Heel iyo Hoo.
Kulankaasi ka dib ayaa waftigaasi waxay u soo boqoleen
dhanka magaalada Yubbe