Puntlandfuture.com
|MISSION & VISION | ELECTORAL PLATFORM |BIOGRAPHY |
Fikrad:Feedback

puntlandfuture.com

MAGAALADA HADAAFTIMO OO SI WAYN LOOGU SOO DHAWEEYAY MUSHARAX C/LAAHI AXMED JAAMAC ILKAJIIR[ DAAWO SAWIRADA]

Hadaaftimo:- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa soo gaadhay magaala dadwayne aad u fara badan ayaa waxay isasa soo dhoobeen wadooyinka magaaalada Hadaaftimo kuwaasi oo ruxayay Caleemo qoyan dadkaasi qaarkood waxay qaadayeen Heeso wadani ah, waxa wax aad loola yaabo ahayd markii Araday yar yar oo reer Hadaaftimo ah ay Gen-ka gudoonsiiyeen Kutubka Quraanka Kariimka ah.

Arnab iyo Maxamuud Xaaji Siciid oo ka mid ahaa gudiga soo dhawaynta

Magaalada Hadaaftimo ayaa waxay muujisay dadaal dheer iyada oo ay xusid mudan tahay oo soo dhawayntaasi kaalin wayn ka qaatay Suldaanka Guud ee Beesha Gobolka Suldaan Siciid Suldaan Cabdi Salaan oo waftigaasi si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Hadaaftimo.

Cali Maxamuud Xaaji Dirir oo ka mid ah dadka deegaanka Carmale isla markaan kaalin wayn ka qaatay soo dhawayntii waftigaasi iyada oo magaalada Carmale lays oran karo waxay safka hore kaga jirtaa magaalooyinka sida wayn looga soo dhaweeyay waftigaasi.

Waxa isna waftiga ka soo raacay magaalada Carmale ka mid ah Bide Cabdi Shire Diiriye oo ka mid ah Gudiga soo dhawaynta magaalada Carmale.


Waftigaasi Gen-ku hogaaminayay ayaa waxay saaka ka soo boqoleen dhanka magaalada Yubbe iyaga oo horay u soo maray magaalooyinka Dhahar, Buraan, Ceelbuh iyo Xingalool, Shinbiraale, iyo magaalada Carmale oo iyana si wayn looga soo dhaweeyay waftigaasi.

Jaamac Feyte/LaasqorayNet/

Hadaaftimo

Quick List...
















HOME     ABOUT US     CAMPAIGN
 
    HOME     ABOUT US     CAMPAIGN      BLOG     REGIONS      CONTACT US
    © 2008 puntlandfuture.com
    Webmaster@puntlandfuture.com
Allrights reserved.
.