Badhan:-Wararka naga
soo gaadhaya Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag
ayaa waxay sheegayaan, in Gen. Cabdillaahi Axmed Jamac "Ilkajiir"
iyo waftigii la socday ay wali ku sugan yihiin Magaalada
Xingalool. Mar aannu laxidhiidhnay saxafitiinta la soocota waftiga, ayay noo
sheegeen in wefdiga Jananku kulan balaadhan la qaateen
qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Madax dhaqameedyada
Degaankaas sidaanu kor kusoo xusney.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Generalku iyo
wefdigiisu uu Deegaanka Oogada soo mari doonaan sida
magaalooyinka Damala Xagare, Shinbiraale iyo Carmale.
Waxana ay soo mari doonaan Magaalooyinka Yubbe iyo
Hadaaftimo inteysan soo gaarin Badhan iyo inta hadhey ee
Gobolka.
Weftiga General "Ilkajiir" hogaaminayo iyo kormeerka ay
Gobolka Sanaag ku marayaan iyo waxii soo kordhaba.
Waxaad kala Socon dontan Bahda Saxafada Gobolka Sanaag
waxaanu idiinku soo gudbin doonaa gordhow Sawiradi iyo
warbixiino kale.
Ismail Yusuf Esse
Badhan Puntland Soomaaliya