|
Waxaa sida caadadu ahaan jirtay lagu furay aayadaha Quraan-ka ah iyo
wacdi. Xafladan oo hadafkeedu ahaa Musharax General Ilka Jiir, inuu
kalsooni siiyo shacabka iyo bulsha waynta reer Puntland, maadaama uu
yahay musharax u tartamaya xilka madaxnimo ee maamul goboleedka Puntland.
Ayaa waxaa xafladaas lagu sharfay inuu furo €œBeel-Daaje Ali Faarax€.
Issimku wuxuu ka dhawaajiyey, isagoo ku hadlaya magaca Issimada dhamaan
reer Puntland, inuu aad ugu faraxsanyahay guud ahaan, musharaxiinta reer
Puntland. Wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday. Dhamaan Issimadu inay
taageerayaan nin walba oo xilkaas ku guulaysta. Talo ahaana wuxuu soo
jeediyey, inay aad u fiicantahay in is bedel dhab ah la helo.
Waxaa sidoo kale hadalka lagusoo dhaweeyey. Musharax General Ilka Jiir.
Musharaxu, wuxuu si kooban uga hadlay, qorshihiisa ku wajjahan, wuxuu u
qabanayo shacabka reer Puntland. Wuxuuna sheegay, inuu ka bilaabi doono
nabadgelyada iyo amniga. Isagoo hadalkiisa, halku dhag uga dhigay (Nabad
baa naas la nuugo leh).
Wuxuu kaloo sheegay, inuu qorshihiisa wanaagsan, ku darayo maamul iyo
nidaam hada jira. Kaasoo abaalkiisa ay leeyihiin raggii usoo halgamay
10-kii sanno ee maamulkani jiray. Musharaxa, mar xagga dhaqaalaha iyo
qaabka awood qaybsiga, ee dhinaca haweenka ku aadan wax laga waydiiyey.
Kaasoo ay waydiisay Marwo Fatxiya Xaaji Bashiir. Ayaa Musharaxu ugu
jawaabay. Inuu wado, qorshe ku salaysan 4 qodob. Kaasoo ah.
(1) Kordhin ( Nabadgelyada )
(2) Kobcin (Dhaqaalaha )
(3) Korin (Shacabka iyo danyarta)
(4) Kaydin (Khayraadka Badda iyo Barriga)
Wuxuuna, qodobka dhaqaalaha ku saleeyey. Inuu si dhab ah, wax uga
badalayo hanaanka dhaqaalaha, dawlad goboleed-ka Puntland. Isagoo kobcin
iyo maarayn, aqoon dhaqaale ku salaysan ku samaynaya dhaqaalaha. Kaasoo
dhamays tiri doona. Baahida qof kasta oo ah bulsha waynta maamul
goboleed-ka Puntland. Waxaa kaloo Musharaxu ka dhawaajiyey. Puntland
inay tahay geed wayn, oo Somali, dhamaanteed hadhsato. Wanaaga iyo
horumarka Puntland inuu yahay mid Somali wada leedahay. Dhibka iyo dib u
dhaca Puntland-na uu noqonayo mid saameeya Somali inteeda kale. Waxaa
kaloo Xafladaas ka hadlay.
(1) Sheekh Bashiir
(2) Ganacsade Qaasim Ali Jaamac
(3) Eng Ahmad Caalin Ismail
(4) Dr Ali Ige
(5) Hassan Mohamad Salah (Hassan Somali)
(6) Xaaji Ali Belbel
(7) Abdi Qaadir Bidhiidh
(8) Abshir Muuse Cashuur
Waxaa qoray, Eng:- Ismail Mohamoud M Shire (Baashe)
Dhahar Radio
|