| |
Faahfaahin ku saabsan xafladdii Toronto [Daawo sawirrada]

Toronto, Canada:June 21, 2008 - Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay xaflad si heersare ah oo loo soo abaabulay oo loo sameeyey Janaraal Cabdillahi Axmed Jama (ilkajiir) oo ah musharax u taagan madaxtinimada maamul goboleedka Puntland. Xafladan waxaa kasoo qayb galay dad aad u fara badan oo ka tirsan dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga America. Waxaa halkaas ka hadlay dad isugu jira madaxdii hore ee Xooga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo ay ka mid ahaayeen Cabdirashiid Shiikh Ciise iyo Axmed Siciid, waxaa kale oo xaflada ka hadlay waxgaradka reer Toronto rag iyo dumar.

Ugu horeyn waxaa khudbad dheer halkaa ka akhriyey Ducaale X. Cilmi oo ka Hadley dhibaatada ku dhacdey ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Sidoo kale Cabdiraxman Xaaji Nuur (Shagaxle) ayaa isaguna ka hadley heerka ay marayso Soomaalinimadii iyo dhibaatooyinka ku habsaday umada Soomaaliyeed. Abdirashiid Shiikh Ciise oo ah Janaraal Cabdillahi saaxiibkiis oo ay hore uga wada tirsanaan jireen xooga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay hore usoo wada shaqeeyeen ayaa wuxuu aad uga hadlay taariikhda Janaraal Ilkajiir iyo waxqabadkiisii.

Waxaa kale oo isna hadalo qiimo leh xaflada ka jeediyey Naasir Cabdi Baale oo ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Toronoto, sidoo kale hooyo Asli Mohamed ayaa halkaas hadal aad loola dhacay ka jeedisay xaflada iyadoo ku hadlaysay magaca dumarka Soomaaliyeed ee Toronto.

Waxaa kale oo xaflada hadal qiira leh ka jeediyey Cabdifataax Marayare oo ka mid ah dhalinyarada aadka u firfircoon ee reer Toronto, Cabdifataax wuxuu halkaas kasoo jeediyey talooyin ku saabsan in uu Janaraal Cabdillahi wax ka qabto dhibaatada haysata danyarta Soomaaliyeed sida agoonta iyo dumarka oo uu noqdo nabadside nabad ka dhex dhaliya dhamaan umada Soomaaliyeed.
Dhamaan dadka xaflada ka hadlay waxay ahaayeen dad aad u taageersan musharaxnimada Janaraal Cabdillahi, waxayna dhamaantood aad uga hadleen baahida loo qabo in isbedel deg deg ahi uu ka dhaco deegaanka maamul goboleedka Puntland oo sida lawada ogyahay beryahan danbe nabadgelyadiisu soo xumaaneysey.

Janaraal Cabdillahi oo isna xaflada ka hadlley ayaa waxuu ka balanqaadey dadkii xaflada isugu yimi in uu nabada ka shaqayn doono oo uu xoogga saari doono xasilloonida iyo kala danbeynta dadka ku nool maamul goboleedka Puntland. Janaraalku wuxuu ka codsaday dadka xaflada kasoo qaybgalay in ay kala shaqeeyaan nabadgelyada oo ay ku dhiiri geliyaan shacabka wadankii joogaa sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadgelyada.

Ugu danbeyntii waxaa kale oo xaflada lagu soo bandhigay heeso iyo gabayo wadani ah. Abwaan Cabdillahi Legjar ayaa halkaa ka jeediyay gabay dheer oo uu kaga hadley nabada, waxaa kale oo heeso wadani ah xaflada ka qaaday fannaanadda weyn ee Faadumo Cali Nakruuma iyo fannaanka weyn Caruus ee reer Toronto.
Jamal Maxamed Xasan, Toronto
|
Xaflad si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Jan C/laahi Ahmed Jamac [Daawo]

Waxaa lagu qabtay magaalada Toronto ee wadankan Canada xaflad si heer
sare ah loo soo agaasimay oo loo sameeyey Janaraaal Cabdillahi Axmed Jamaac (Ilkajiir)
oo ah musharax u sharaxan madaxtinimada maamul goboleedka Puntland.
Xafladan oo ahayd mid ay kasoo qayb galeen dad aad u fara badan oo kakala socday
qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan wadanka Canada iyo
weliba Maraykanka.

Waxaa xafladaas ka hadlay saraakiishii hore ee Xooga Dalka Soomaaliyeed,
Aqoonyahano, Culumaau'diin,Haween,Dhalinyaro, iyo dad kale oo fara badan oo
dhamaantood aad u taageersanaa musharaxnimada Janaraal Cabdillahi iskuna wada
raacay in maanta ay maamul goboleedka Puntland u baahan tahay isbedel deg deg ah
oo wax looga qabto xaalada kala duwan ee iminka ka jira Puntland.

Jan C/laahi Ahmed Jamac oo isna ka hadlay xafaladaa ayaa u mahadceliyey dadkii
ka soo qeyb galay xaflada wuxuuna u sheegey in isku duubni lagu gaari karo howl
kasta oo la rabo in la qabo musharaxa ayaa sheegey in uu diyaar u yahay in u
badbaadiyo dadka iyo degaanada Puntland.

Ugu danbayn xafladaa ayaa ahayd mid si fiican la isugu afgartay dadkii ka soo
qeyb galay xaflada ayaa u sheegey musharaxa in ay diyaar u yihiin in ay la
shaqeeyaan.
























Zekeriye Wahaabi
Toronto Canada
Xaflad Toronto lagu qabtay oo si qiima leh loogu soo dhoweeyey Gen.
Cabdullahi Axmed Jaamac
Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 06/21/2008 lagu qabtay magaalada Toronto ee wadankan Canada xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo sameeyey Janaraaal Cabdillahi Axmed Jamaac (Ilkajiir) oo ah musharax u sharaxan madaxtinimada maamul goboleedka Puntland. Xafladan oo ahayd mid ay kasoo qayb galeen dad aad u fara badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Canada iyo weliba Maraykanka.
Waxaa xafladaas ka hadlay saraakiishii hore ee Xooga Dalka Soomaaliyeed, aqoonyahano, culumaau'diin, dhalinyaro, iyo dad kale oo fara badan oo dhamaantood aad u taageersanaa musharaxnimada Janaraal Cabdillahi iskuna wada raacay in maanta ay maamul goboleedka Puntland u baahan tahay isbedel deg deg ah oo wax looga qabto xaaladaha kala duwan ee imminka ka jira Puntland.
Waxaanu goor dhow idiin soo gudbin doonaa hadaladii, iyo sawiradii faraha badnaa ee xafladda laga qaaday iyo warbixintii oo dhan.
Mahadsanidin,
Jamal
613-262-0999
Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac oo Columbus si aada loogu soo dhoweeyey
Taabo halkan si aad u daawato sawirradii xafladda Columbus...
 General Cabdullahi Jama (Ikajiir)
Columbus, Ohio: June 15, 2008 – Xaflad si wacan loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayey musharraxa jagada madaxweynanimada Puntland Janaraal Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), ayaa ka dhacday magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka. Munaasabadda waxa ka soo qayb galay dhammaan qaybaha bulshada—masuuliyiin sarsare, odayaal, waxgarad, culimo, haween, iyo dhallin yaro intaba.
 Generaal Maxamed Cali Shire oo shirka ka hadlay
Dadkii shirka ka hadlay waxa ka mid ahaa Janaraal Maxamed Cali Shire, Janaraal Maxamed Aadan Laangadhe, Janaraal Maxamed Xuseen Xiiray, Kornayl Axmed Deeq Gardaad, Ambaasadoor Cabdikarim Cumar iyo madax fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxa sidoo kale iyana talooyin wax ku ool ah ka soo jeediyey odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyayaasha jaaliyadaha Columbus.
 Dadweynihii qaar ka mida
Guud ahaan jawiga shirku wuu ka duwanaa kuwii hore looga bartay magaaladan Columbus. Dadku waxay hor dhoobnaayeen wakhtigii shirka loo qoondeeyey ka hor, hoolka shirka. Taasi waxay keentay in shirka horayba loo furo. Qiiro waddaninnimo iyo is waanin tira dhaaftay ayaa shirku ku bilawday. Waxay dhammaanba dadkii halkaa isugu yimid u riyaaqeen isutaagidda Jagada Madaxweynenimada ee Puntland ee uu Janaraalku ku hawlan yahay. Dhiirri gelin xoog leh iyo taageero ayay musharraxa Janaraal Cabdullahi Axmed Jaamac u muujiyeen bulshada reer Columbus, waxayna ku taageereen go’aankiisa ku aaddan u tartanka jagadaas.
 General Maxamed Aadan
Janaraal Maxamed Aadan oo isagu ku soo dhoweynayey musharraxa aaladda cod
gudbinta, ayaa isagu si faahfaahsan uga sheekeeyey mansabka Janaraal Cabdullahi
Ilkajiir ku lahaa Ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliya. Hadalladiisii waxa ka mid
ahaa Jan. Maxamed Aadan, " Janaraal Cabdullahi aniga ayaa madax u ahaan jiray
isagoo markaa dhallinyaraa. Wuxu Cabdullahi ka mid ahaa dhallintii ugu cadcadday
Xooggii Dalka Soomaaliyeed, kana soo bixi jiray hawsha loo igmo. Cabdullahi waa
wiilkaygii, waana ku garab taaganahay xilkan uu isu taagey ee qabashada
hoggaanka Puntland ama tan Soomaaliya."
 Musharraxa, murwadiisa (second from left) oo la sawiran haweenkii goobta yimi
Waxaa xusid mudan haweenka oo si gaara iyana wacdaro uga muujiyey goobta—dardaaran,
duco, iyo buraanburro qiiro waddaninnimo ku dheehan tahay.
Kooxaha fannaaniinta ayaa iyana kaalin libaax ka qaatay. Waxay fannaaniintu soo bandhigeen heeso cusub oo dareenka qofka waddaniga ah kicinaya. Hees ka mida ayaa midheheeda waxa ka mid ahaa "derejiyo xildoonaha, doogga noo horseedaha, dadkeennu jecelyahay, noo doora waysagaa." Suugaan kala geddisan ayaa lagu soo bandhigay shirka oo ay ka mid ahaayeen maansooyin waddani ah iyo kuwo loogu bogaadinayo musharraxa.
 Fadiilatu Sheekh Cabdulqaadir Rubeex Gebagebadii shirka ayaa dadka loo furay inay musharraxa wixii su’aalo ah weydiiyaan. Wada sheekaysi iyo isdhexgal ayaa dhex maray wefdiga Janaraal Cabdullahi hoggaaminayey, masuuliyiintii kale iyo dadweynihii meesha isugu yimid. Ka dib, waxaa shirka gunaanaday salaaddiinta iyo culimada oo ka akhriyey ducooyin.
Taabo halkan si aad u daawato sawirradii xafladda Columbus...
Kala soco shabakadda http://www.puntlandfuture.com wixii ka soo kordha xogaha kale ee shirkaasi ku saabsan.
Tafatir,
Maxamud A. Abdalle
|