Minneapolis: Mudo badan ayaa waxaad dhur-sugayseen
munaasabadaha musharax Gen. Cabdulaahi Ilka jiir oo uu isu sharaxayo
madaxweynenimada Puntland. Aqristayaal xafladii ugu horeysay oo
dhexmarta Genenka iyo beesha Warsangali ee woqooyi Mareykanka ayaa
waxay ka dhacdey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Hadaba
sida ay u dhacdey ayaa waxaad ka dheehandoontaan sawirada aan idiin
soo diyaariney, oo waliba shabakada loogu tala galay musharaxa ee
http://www.puntlandfuture.com/ aad ka dheehandoontaan taariikhda
aqoon iyo xirfadeed ee musharaxa.
Warbixinta shirkan dhex marey beesha Warsangali iyo musharaxa ayaan
dib idinkaga soo gudbin doonaa iyadoo maqal iyo muuqaalba. Musharaxa
maanta oo isniin ah ayaa wuxuu sidoo kale la kulmayaa Jaaliyada
Puntland ee Minneapolis, taasina ha moogaan warbixinteed.
Sawirka taabo si aad isagoo weyn u aragto:











Waxaa soo diyaariyey Saalax Nuur Saalax iyo Maxamuud A. Cabdalle