|
Ogaysiis!: Waxaa dhamaan dadweynaha ku nool
gobolka Minnesota iyo nawaaxigeeda la ogaysiinayaa xaflada musharaxa madaxweyne
Puntland Generaal Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir)…
Minneapolis: Generaal Cabdulaahi Jaamac Ilka Jiir oo ah Jeneraaladii qaranka
Soomaaliya waqtigii bari-samaadkii ayaa shaaca ka qaadey in uu isu sharixi doono
jagada Madaxweyne ee dowlad goboleedka Puntland, taasoo ah codsi ka yimi
dadweynaha reer Puntland.
Hadaba jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota gaar ahaan jaaliyada reer
Puntland ayaa waxay Generaalku u fidisay xaflad uu shaaca kaga qaadi doono
musharaxnimadiisa.
Xafladu waxay ka dhici doontaa: magaalada Minneapolis:
Goobta: 2630 University Avenue SE. Minneapolis, MN 55414
Goorta: May 26, 2008
Saacada: 5:00 pm ---- 10:00pm
Waa hoolka weyn ee loo yaqaan University hool. Fadlan kasoo qeyb gal.
Waxaa diyaariyey
Saalax N. Saalax
|