| Ruux waliba inta uu hamigiisu
gaarsiisanyahay ayuu hantiyaa, hadaan dedaalkiisu hagran. Hogaankuna waa
tayada iyo toosinta iyo saamayn ku yeelashada bulsha weynta guud. Waa awood,
xirfad, haybad, iyo aqoon loo hibeeyo hanaan-wadaha wanaagsan ee umada
horkaca. Ararta hadalkeyga hadaan hor u dhaafo, oo aan qormadan dulucdeeda
hoos ugu daadago, waxaan maqaalkeygan aan ku bandhigayaa aragtidayda ku
aadan musharaxa madaxweynenimada Puntland ee Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka
jiir). Hadaba Markii aan u kuur-galay waxaa lagama maarmaan noqotey in aan
baaro oo aan bidhaamiyo taariikh nololeedka musharaxa iyo mowqifka u
jadwalaysan, iyo jidka uu la maaganyahay iney ku toosto Puntland, anigoo
min-guurin doona wixii aan kasoo xigtey xafladihii loo qabtey todobaadkan ee
Minneapolis oo aan nasiib u yeeshey kasoo qeybgalkeeda. Waxaan soo qaadan
doonaa qaar ka mid ah milgaha mowqifka uu soo bandhigay. Qodobada aan is-tusay
iney ugu xiisaha badnaayeen ayaa waxaa ka mid ahaa: Dhaqaalaha, Nabadgalyada,
Kheyraadka, iyo Midnimada.
Taariikh Nololeedkiisa:
Nimaadan aqoonin taariikhdiisa way adagtahay inaad ogaato tayadiisa
hogaan. Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac wuxuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo
1951, halkaasoo uu kaga baxay waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee
Dayaxa. Wuxuu wax kasoo dhigay jaamacada Lafoole qeybta NTEC (National
Teachers’ Education Center).
1970: Wuxuu ku biirey ciidan xooga dalka Soomaaliyeed. Halkaasoo loo
direy dalka Ruushka.
1973: Wuxuu qaatey Shahaadada loo yaqaan (Millitary Science Degree) ee uu
ka qaatey Jaamacad ku taala Odessa, Ukraine.
1977: Wuxuu dagaal galiye sare ka ahaa ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed.
Halkaasoo lagu gudoonsiiyey bilado badan oo geesinimo ah.
1980-83: Wuxuu aaday jaamacada (Staff College) ee magaalada Qaahira,
halkaasoo uu kusoo qaatey Digriiga Masterka ee Millitary Science.
1984-87: Wuxuu ka dhigayay jaamacada Gahayr qeybta militariga.
1988-89: Waxaa generaalka loo direy dalka Mareykanka halkaasoo uu kusoo
qaatey Shahaadada looyaqaan (Strategy & Dicision Making).
Gen. Cabdulaahi wuxuu soo noqday ilaa iyo heer taliye gaas oo ah qeybta
ugu sareysa ee militariga.
1991: Colaadii sokeeye Jananku kama uusan qeyb qaadan, dalka Soomaaliya
isagoo lagu tilmaami karo inuu ka midyahay Jeneraalada dhifka ah ee
Soomaaliyeed kuwa diiday dhiiga sokeeye.
2000-2004: Wuxuu ka baxay jaamacada Bryan & Stratton College ee magaalada
New York halkaasoo uu ka qaadey digriiga xisaabaadka iyo dhaqaalaha
(Accounting).
Run ahaantii intaasi waa inta aan is oran karo haka tegin, waxaa jira
bilado iyo shahaadooyin intaa ka fara badan iyo aqoonta sida hubka kala
gadisan iyo hogaanka oo aan soo koobi karin. Bal hadana aan jaleeco
mowqifyadii uu ugu soo bandhigay umada Soomaaliyeed ee magaalada
Minneapolis. Kuwaasoo iyagana aan kasoo qaadan doono oo kaliya qodobada sida:
Dhaqaalaha, Nabadgalyada, Kheyraadka, iyo Midnimada.
Dhaqaalaha:
Hormarka tafa-gaabiska ah iyo dhaqaalaha caga-jiidka noqdey ee gaarey
sicir-bararkii ugu sareeyey oo soomara umada ku dhaqan gobolada Puntland
ayaa waxay dadweynihii kasoo qeyb-galay xaflada si aad ah ugu
dhego-laa-laadinayeen, qaabka uu wax uga badali karo ama talaabada uu ka
damacsanyahay tayaynta iyo tub-toosinta dhaqaalaha ayaa wuxuu yiri
“Puntland waa ismaamul hodan ah, hadii si wanaagsan dhaqaalaheeda loo
maareeyo”. Wuxuu tusaale usoo qaatey United Nationska waqti ay
baadhitaan ka sameysey Puntlan sanadka markuu ahaa 2006 oo ay ku tilmaamtey
dhaqaalaha dekada Boosaaso in uu kaabi karo dhamaan umada Soomaaliyeed hadii
si wanaagsan loo maamulo.
Dhanka kalese, waxaad moodaa in dadka reer Puntland ay ka hadaadumeen ama
ay ka quusteen kaabida dhaqaalaha iyo xoolaha telefka noqdey, iyo dib usoo
nooleyntooda. Laakiin musharaxa ayaa wuxuu ka muujiyey raja wanaagsan isagoo
usharaxay umada qaabka dhaqaalaha loosoo celinkaro, oo ah:
a) Ladagaalanka sicir bararka: sicir bararka ayaa wuxuu musharaxa asal
uga dhigay dhaqaale xumada hada ka taagan Puntland. Waxyaabaha keena ayuu
yiri ayaa waxaa ka mid ah lacagaha la daabaco iyo shaqa-la’aanta.
b) Shaqa abuuris: Wuxuu sheegay musharaxu, in la dhiso ilo dhaqaale
taasoo hoos u dhigta tirada baagamundada. Musharaxa ayaa wuxuu tusaale usoo
qaatey dhaqaaleyahanka weyn ee reer Yurub Edmond Malinvaud ee dhamaadkii
qarnigii 18 tobanaad qaacido uu soo-saarey oo ah qaabka looga bixi kara
shaqa-weytada.
c) Adkeynta Amniga: Wuxuu musharaxu carabka ku dhiftey “hadii wadanka
uusan amnigiisu adkeyn, cidana ma maal gashan doonto” Hoos u dhaca
amniga ayuu ku xiriiriyey dhaqaale xumada wadanka ka jirta.
Si kastaba ha ahaatee “dhaqaalaha ayaa ah laf dhabarta maamulka. Hadii
ay dadka qancaan oo ay nolol maalmeedkoodu helaan, dowladuna way hagaagaysaa”
ayuu hadalka u dhigay Gen. Cabdulaahi.
Nabadgalyada:
Dadka reer Puntland ayaa ah dad aad ugu nugul nabad iyo xasilooni ku wada
noolaanshaha dhexdooda iyo ciseynta dadka jaarkooda ah. Wuxuu musharaxu
sheegay in adkaynta nabadgalyada ay tahay shay daruuri ah isagoo tilmaamay
in nabadgalyada iyo amaanka ay laba kala duwan yihiin. Musharaxa ayaa wuxuu
soo daliishaday ayaada quraanka ah ee “Fadquluuhaa Bisalaamin Aaminiin”
isagoo lafa guraaya amniga iyo nabadgalyada waxay ku kala duwanyihiin. Kuna
tilmaamay in ay Puntland nabadgalyadeedu ay haatan fiicantahay, laakiin
loobaahanyahay in la adkeeyo amniga oo faraha kasii baxaaya.
Waxaan kaloo jeclahay inaan xuso jawaabtii Gen. Ilka jiir mar la
waydiiyey musharaxnimadiisa madaxweynimo ee Puntland ayaa wuxuu ku jawaabay
“anigu waxaan ahay nabadside, doonaaya in Soomaaliweyn ay hagaagto”.
Kheyraadka:
Soo saarista macdanta iyo sahaminta kheyraadka gaaxsan ee ceegaaga dhulka
hoostiisa iyo Bada gudeheeda ee dhulka loo yaqaano Puntland ayaa wuxuu ahaa
qodobadii ugu doorka roonaa ee uu Generaal Ilka-jiir si guud u dulmarey,
isagoo bandhigay kheyraadka dabiiciga ah iyo soonooleynta bey’ada miyiga ay
mar walba is bar-bar socdaan.
Musharaxa ayaa wuxuu intaa ku darey in soo-saarista kheyraadka uu
jadwalka ugu jiro, isla-markaana uu shuruudo iyo xisaabtan lagali doono soo
saarayaasha, umadana uu u bandhigidoono, isla markaana tixglin doono
heshiisyadii ka horeeyey.
Midnimada:
“Midnimada Soomaaliyeed waa muqadas” ayuu sadex jeer ku cel-celiyey
musharax Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir) isagoo ka cadeeyey shirkii
todobaadkii lasoo dhaafay ee ka dhacay magaalada Minneapolis. Wuxuu
musharaxu tilmaamay in umada Soomaaliyeed ay tahay uliyo diirkeed “way is
dhaleen, way wada dhasheen, waa isku af, waa isku diin, waa isku dhaqan”
ayuu Cabdulaahi yiri.
Musharaxa ayaa wuxuu sheegay in hadii midnimada Puntland la helo, in ay
wada shaqeyn imanayso, hadii wada shaqeyn la helona, in la helaayo nolol iyo
nabad-galyo. Puntland waa dhul weyn, midnimadana waa howsha koowaad aan rabo
inaan jideeyo ayuu yiri musharaxu.
Waxaa xusid mudan oo ah in wax laga iftiinsho arimaha kale uu ka hadlay
Musharaxa sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Dhaqanka, Suugaanta, iyo
qodobada agendaha ugu jiro.
Gunaanad:
Anigoo tixraacaya taariikh nololeedka, aqoonta, xirfada, iyo milgaha
hadalka musharax Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir) uu ku soo
bandhigay mowqifka qodobaysan ee uu ugu tala galay majara qaadida iyo
maandhaaf ka saarida maamulka Puntland.
Waa shay daruuri ah in la ogaado dhamaan aqoonta, tayada iyo waaya
aragnimada iska marqaati kacaya isla markaasna ka dhex iftiiminaya Generaal
Cabdulaahi musharaxiinta kale ee u sharaxan hogaanka maamulka Puntland.
Musharax Gen. Cabdulaahi Ilka Jiir waa qorax usoo baxdey umadda Soomaaliyeed
guud ahaan, dadyowga Puntland gaar ahaan, gaban iyo gargeyr. Cabdulaahi waa
rug-cadaa siyaasi ah, nabadoon, halyay Soomaaliyeed oo u muuqda musharaxa
koowaad oo soo celinkara sharciga iyo kala dambeynta.
Had iyo goor si joogta kala soco waxqabadka musharaxa:
www.puntlandfuture.com
Qalinkii
Saalax Nuur Saalax (Doonyaale)
omara@csp.edu
Fadlan arigtidaada ku aadan musharaxnimada Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka
jiir) waxaad kusoo diri kartaa adigoo qoraal ku tayaynaaya emailka:
webmaster@puntlandfuture.com |