05/24/2008
W.T-Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
mabdalle@gmail.com
Gabaygan waxan ugu tala galay munaasabadda caleema saarka General Cabdullaahi Axmed Jaamac Mataataan "Ilkajiir" oo 24-ta May lgu qabtay magaalada Miniapolis ee Gobolka Minnesota. Cabdullaahi oo sharraxan jagada madaxweynanimo ee Puntland sannadda 2008-da ee aynu joogno, ayaan ku maamuusayaa gabaygan soo socda.
Akhris wanaagsan
Aadmigu kolkuu goob ku shiro, gole la maageeray
Danta guud kolkii laga hadliyo, talo gorfaynteeda
Ninba garasho aadkii, ra’yiga waa ku kala gaaree
Gabayguna kol waa gole ka fuul, loo ged tiriyaaye
Kolna waa gudbane lagu kaftamo, oo gardaadsiyahe
Kolna waa guntane maaxisoo, la isu geeyaayee
Waxan uga gol leeyahay haddaan, gebi ka faalloodo
Ninba wuxu galiyo wuxu gudaa, laga galliintaaye
Taariikhdu waxay gaaxisaa, soo gadaal baxa ee
Maalintay arrini gaammurtana, gaasir baa hadha’e
Cabdullaahi waa geesigii, guusha loo qirayee
Laasqoray kolkii laysku galay, galowgu eedaamay
Gulufkii wadaaddada kolkii, weerar lagu gaacshey
Guutadii Aways maalintii, goobta laga yaacay
Waa ninkii gurmad u soo baxaye, yimid galoolkiiye
Waa ninkii u gogol dhigay tolkee, gaas u maammulaye
Gobanimiyo sharaf waa ninkii, loo garwaaqsadaye
Gucummaalayaashiyo kuwii, gubayey saabaanka
Gadh alluubaniyo macangag aan, gabanna dhaafaynin
Waa ninkii u garab dhigay raggii, gaadaha ahaaye
Cabdullaahi waa geesigii, guusha loo qirayee
Garashiyo aqoon waa nimaan, cidi ku gaadhayne
Waw laba gacmood aadamuhu, gacal xigaalkiise
Waw wada gudboonyahay nafluhu, geesu joogaba ee
Waa nimaan wax goyntiyo ka hadhin, gobiyo xaalkeede
Waa nin u garsooroo bulshadu, garan karaysaaye
Waa nimanay u kala gaar ahayn, guniyo baarkeede
Waa nin geya inuu madaxnimiyo, boqor u gaaftaaye
Cabdullaahi waa geesigii, guusha loo qirayee
Geyigeenna waa laga yaqaan, gebiba Soomaale
Billadihii garbaha loogu taxay, derajaduu gaadhey
Guri uu dhisiyo laguma siin, gaar siyaasadahee
Garashiyo aqoon wuxu ku helay, guurtinimo weyne
Goob iyo dagaal wuxu ku helay, geed adaygnimo ee
Cabdullaahi waa geesigii, guusha loo qirayee
Anna gabaygu yuu ila gudbine, waxan ku soo gaabshey
Puntland haddii guullahay, maanta garansiiyey
Galladbaa u soo hoyatay iyo, gacan walaalayne
Mar hadduu guddoonsaday inuu, giijo taladeeda
Oo gobolladii kala maqnaa, goob isugu keeno
Annana waa ku garab taagannahay, guulle idankiise
Guulayso cadawgii jabyoow, oo gadhqabo hawsha
Xiriir:mabdalle@gmail.com