Kulan dhex maray Gen. Ilkajiir iyo beel ka mida beelaha Sanaag

Badhan:- Waxa maanta casuumad u fidiyey wafdiga u hogaminayo General C/Laahi Axmed Jaamac {ilko Jiir} Beesha ogayslabe,  waxaana ka soo qayb galay, Cuqasha iyo odayal dhaqameedka iyo waliba qaar ka mid ah Saraakisha ciidammada Gobolka sanaag. Waxaana madasha qada sharafta dhanka wafdiga ka hadlay Mudane:- Cali Maxamed Xirsi ka mid ah wafdiga uu hogaminayo General C/Laahi Axmed Jaamac {ilko jiir}
Warar kale...
Warar kale...

Warbixin dheeraad ah, magaalada Mindigale iyo soo dhoweyntii

Mindigale:- Waxay ahayd maalin aad layaab badan u leh, abaabulka iyo soo dhowaynta shacabka reer mindigale siday u soobexeen. waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran oo ay horkacayeen Ururadda Bulshada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo waliba Guddiga Magaalada Mindigale iyo waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo waliba...

Mindigale oo si xallad leh loogu soo dhoweeyey Gen. Ilkajiir iyo wefdigiisa

Mindigale:-Shalay oo ay taarikhdu ahay 23/08/2008 ayaa wafdiga uu hogaaminay General C/laahi Axmed Jaamac (ilko-jiir) oo ka kooban kolanyo gaadiid ah oo siday wefdigaas balaadhan waxay safar ku tageen magaalada Mindigale ayagoo gaadhay duhurnimadii, Si aad u qurux badana ayaa looga soo dhaweeyey magaalada Mindigale ayadoo ay isqabsatay Musshxarad iyo Sacab waxay dadka mindigale ku dhawaaqayeen...

General Ilkajiir iyo Wefidigii la socday oo lagu soo dhoweeyey magaalooyinka Rad iyo Laako

Laako:- Magaalooyinka Laako iyo Rad ee Gobolka Sanaag ayaa waxay maanta dhigeen Wacdaro aan horay loo arag iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay waftigii Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir, boqolaal Ruux ayaa isasa soo taagay wadooyinka magaaladaasi kuwaasi oo sitay Calamo iyo Boodhadh.

Gen. Ilk-Jiir oo khudbad taariikhi ah kaa Jeediyay Badhan[Daawo Sawiro]

Badhan:- General C/Laahi Axmed Jaamac ayaa khudbad tariikhi ah uu soo Jeediyey Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Badhan. Jananka ayaa khudbaddiisu ay ahayd mid aad iyo aad usu jiidanaysay kumannaan kii qof ee isugu soo baxaay Faragaraha Cusbitalka Magaalada Badhan.

Biyo la hubaa waa Badhan [Sawirro dheeraada]

Badhan:- Maalintii shaleyto soo dhoweyntii ay soo dhoweeyeen dadweynaha ku nool magaalada Badhan ayaa waxay gashey bal taariikheed oo lama ilaawaan ah iyadoo soo dhoweyntaasi ahayd mid ay iska wada kaashadeen dadweynaha Badhan isla markaana tusayey reer Puntland sida ay ugu heegan yihiin is bedelka uu wado General Cabdulahi Axmed Jaamac.
Sii Akhri...

Magaalada Badhan ayaa Wacdaro ka Muujisay Soo dhawayntii Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir [Daawo Sawiro]

Badhan:- Waftigii uu hormuud ka ahaa Gen-ku ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Badhan ee Xarunta labaad Gobolka, boqolaal ruux ayaa sitay boodhadh soo dhawayn ah, dadkaasi ayaa waxa wajiyadooda ka muuqtay Farxad iyo soo dhawayn, Gen-ka ayaa waxa salaan siiyay Ciidamada Deegaanka kuwaasi oo ku jiray Heegan sare.
Sii Akhri...

Sidee Yubbe looga soo dhoweeyey wafdigii Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir [ DAAWO SAWIRO]

Yubbe:- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gen- C/laahi Axmed Ilka Jiir ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag, waxana dhamaan ay dadku tumnaayeen wadooyinka Magaalada Yubbe, sida ururada bulshada iyo ciidamada deganka, dadku waxaay waten Caleemo qoyan iyo sawiradda General sido kale iyana waxaa an mesha aan ka maqneyn oo ay dad ku ruxayeen calanka Soomaaliya, Sido kale iyana waxaa mesha ka maqnayn Guurtida magaalada Yubbe oo balan qaday inay lashaqayn donaan Generalka.
Sii Akhri...

Carmale iyo Damallaxagarre oo si xallad leh u soo dhoweeyey Gen. Cabdullahi Ilkajiir [DAAWO SAWIRRO]

Carmale:- Magaalooyinka Carmale iyo Damal - Xagare ayaa waxa soo gaadhay wufuud balaadhan oo uu hormuud u yahay Gen-IlkaJiir waxan halkaasi sidiiran ugu soo dhaweeyay dadka Deegaanka oo ay ugu horeeyaan Cuqaasha, dhamaan dadka degan magaalada Damala-Xagare ayaa isasa soo dhoobay wadooyinka waa wayn ee magaaladaasi, dadkaasi ayaa waxay siteen cod baahiyaal kuwaasi oo qaadayay HEESO WADANI AH.
Sii Akhri...

Qaabka loogu soo dhoweeyey Gen. Cabdullahi Degmada Xingalool [DAAWO SAWIRRO]

Xingalool-Magaalada Xingalool waxaa gaarey General Cabdilaahi Axmed Jaamac ilka jiir iyo Weftigiisa waxaana Wefitiga General Cabdilaahi Axmed Jaamac ilka jiir si wayn ugu soo Dhoweeyey Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag Qaybaha kala Duwan ee Ku dhaqan Degmadaasi Xingalool Waxaana ay ka Mid Noqotay Magaalad Xingalool Goobaha uu Wayahanba Generalku Booqashada ku Marayey. Waxaa soo dhaweeyey dhamaan bulshaweynta nabadoonada iyo Col. Jaamac Neerafooso oo si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada shirar gooni ahna kula qaatey.
Sii Akhri...

Magaalada Hadaaftimo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac [DAAWO SAWIRRO]

Hadaaftimo:- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa soo gaadhay magaala dadwayne aad u fara badan ayaa waxay isasa soo dhoobeen wadooyinka magaaalada Hadaaftimo kuwaasi oo ruxayay Caleemo qoyan dadkaasi qaarkood waxay qaadayeen Heeso wadani ah, waxa wax aad loola yaabo ahayd markii Araday yar yar oo reer Hadaaftimo ah ay Gen-ka gudoonsiiyeen Kutubka Quraanka Kariimka ah
Sii Akhri...

Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa weli ku sugan magaalada Xingalool

Badhan:-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan, in Gen. Cabdillaahi Axmed Jamac "Ilkajiir" iyo waftigii la socday ay wali ku sugan yihiin Magaalada Xingalool. Mar aannu laxidhiidhnay saxafitiinta la soocota waftiga, ayay noo sheegeen in wefdiga Jananku kulan balaadhan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo...
Sii Akhri...

Booqashadii iyo kulankii Buraan oo faahfaahsan [DAAWO SAWIRO]

Buraan:- Shir balaaran ayaa waxa uu dhex marey Bulshada Reer Buraan iyo wefdigii uu horkacayey General Cabdulahi Axmed Jaamac Ilka Jiir iyadoo shirkaasi ay ka hadleen dhamaan wax garadka reer Buraan iyo wefdigii oo la isku dhaafsadey warbixino qiimo badan.
Sii Akhri...

Warbixin - Ceelbuh oo si diirran u soo dhoweysay Gen. Ilkajiir iyo Wefdigiisa [DAAWO SAWIRRO]

Ceelbuh:08/16/2008 - Dadwayne aad u farabadan ayaa soo dhoweeyey musharaxa Generalk Cabdulahi Axmed Jaamac [Ilka Jiir] iyadoo soo dhowaynta ay ka soo bilaabatay ilaa 10 km dhinaca bari ka xigta ee magaalada Ceelbuh iyadoo bulshada reer Ceelbuh ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha iyo booqashada wefdigan culus.
Sii Akhri...

Saraakiisha Gobolka Sanaag oo kormeero horudhac ah ku tegey degmooyinka Hadaaftimo iyo Yubbe [DAAW SAWIRO]

Badhan: 08/16/2008 - Ciidamada Daraawiishta ee Puntland ee gobolka Sanaag ee  weliba ku sugan magaalada Badhan ayaa diyaar garow ugu jira soo dhowaynta General C/Laahi Axmed Jaamac{ilkajir}, Ciidamadas oo uu ukhudbadayey Col. Caydiid Axmed Nuur iyo Col. Axmed Jeni Taag iyagoo ku sugan taliskooda ay ku leeyihiin magaalada Badhan.Ciidamada ayaa waxay maalmihii lasoo dhaafey ka wadeen hawlo nabad sugineed iyagoo ku gaaf wareegayey magaalada iyo inta u dhow dhow.
Sii Akhri...

Buraan iyo Ballibusle oo caleemo qoyan ku soo dhoweeyey wafdigii Gen. Ilkajiir hoggaaminayay

Buraan:- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Gen- C/laahi Axmed Jaamac ilka Jiir ayaa saaka aroortii ka boqoolay magaalada Dhahar kuwaaasi oo u jeensday dhanka magaalada Buraan iyo Bali-Busle waftigaasi ayaa waxay kulan la qaateen ugu horayn Waxgaradka deegaanka Balis-Busle.
Sii Akhri...

Wafdigii Gen- C/laahi Ilka Jiir oo shir ku qabtay degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag....

Dhahar:08/15/2008 - Saaka waabarigii ayaa kulan balaadhan waxa wada qaatay Gen C/laahi Axmed Ilka jiir iyo Odayaasha magaalada Dhahar ee G/ Sanaag, kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, walaw ay jiraan warar hoose oo soo gaadhay warbaahinta Sanaag kuwaasi oo sheegaya in Kulankaasi looga hadlay xoojinta Amaanka Gobolka iyo taageerida Musharaxa. Kulankii markuu dhamaaday, ayaa waxaa wareysiyo loo oggolaaday saxaafadda sida Irin iyo Universal TV oo goobtaasi joogay.
Sii Akhri...

Dhahar oo tiri wixii hore quba - soo dhoweyntii Gen. Cabdullahi[DAAWO SAWIRO]

Dhahar:08/14/2008 - Waxaa soo gaaray maanta Degmada Dhahar Mudane Musharax Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) isagoo ku yimid degmada socdaal uu ku kormeeraayo degmadooyinka gobolka sanaag Dadwayne aad u badan ayaa soo dhoweyey musharaxa iyadoo soo dhowaynta ay ka soo bilaabatay ilaa 40 km dhinaca bari ee magaalada ee ayaa waxaa la dhigay ciidan gaaraya 500 dhamaan wadooyinka Alxamdulah iyo Sheerbi ilaa iyo Degmada Dhahar.
Sii Akhri...

Casha Sharaf loo sameeyey Musharrax Gen. Ilkajiir oo ka Dhacday Hotel Panorama [DAAWO SAWIRO]

Bosaaso:08/13/2008 - (Dhahar Online) Waxaa Xaflad Casho sharaf ah Caawa loo qabaty Musharax C/laahi Axmed Jaamac ilka Jiir Xafladaasi oo ahayd Mid ay ka soo qabgeleen kumanaan kun oo Qof oo Reer Puntland ah ayaa waxaa ka Qudbeeyey Musharaxa Jagada Madaxtimida u taagan general C/laahi Axmed jaamac ilka Jiir oo Daaha ka Rogey inuu Diyaar u ayahay Maamulka Wadanka inuu si shareecoleh ku Xukumo Hadii uu ku Guuleysto jagada Madaxtinimada Puntland.
Sii Akhri...

Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo heer madaxweynanimo loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso [DAAWO SAWIRO]

Bosaaso:08/12/2008 - General Cabdulahi Axmed Jaamac ayaa maanta gelinkeedii hore kasoo degey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari isla markaana ah saldhiga ganacsiga ee maamul goboleedka Puntland iyadoo ay baabuur tiradooda lagu qiyaasey 70 gaari ay kasoo gelbiyeen gegeda diyaaradaha General Ilka Jiir.
Sii Akhri...
Gen. Cabdullahi A. Jaamac oo la shiray beelaha SSC Saraakiil Sar Sare oo Soomaaliyeed oo hambalyo...
Faahfaahin ku saabsan xafladdii Toronto Xaflad si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Jan C/laahi Ahmed Jamac [Daawo]
Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac oo Columbus si aada loogu soo dhoweeyey Puntlanders Welcomed General Abdullahi’s Presidential Bid

More Stories...
WARAYSI GAAR AH
Dhagayso khudbadii Musharax Jen. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilka Jiir” ee Magaalada Dhahar…
MUNAASABADDII LONDON
DAAWO SHIRKII COLUMBUS
Musharrax Gen. C/lahi Axmed Jama
Gen. Maxamed Adan Laangadhe
WARAYSI XIISO LEH
Wareysi xiiso badan oo aanu la yeelanay Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir)
HEES: DEREJIYO XIL [C/WELI]
|Events |About | Contact | Gallery | Video | Links|
Webmaster@puntlandfuture.com
Copyright © 2008. Allrights reserved.